Saturday, April 18, 2026
28.7 C
Mogadishu

UK: Qofkii ugu horreeyay oo lagu dura tallaalka Covid-19 oo noqotay Haweeney 90 jir ah

UK (Halqaran.com) – Haweenay 90 sano jir ah oo ka soo jeeda Enniskillen, Waqooyiga Ireland ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee qaadta talaalka cudurka Coronavirus (Covid-19), taas oo bilaw u ah qorshaha lagu talaalayo dad badan oo ka so jeeda dalka Ingiriiska.

Margaret Keenan, oo isbuuc kaddib u dabaal-dagaysa dhalashadeedii 91-aad ayaa sheegtay inay tahay hadiyaddii ugu wanaagsanayd ee dhalashadeeda.

Talaalka ayaa lagu bilaabay dadka ay da’dooda ka weyntahay 80 sano iyo shaqaalaha caafimaadka.

Mashruucan ayaa ujeedkiisa ah in la badbaadiyo dadka ay khatarta ugu badan soo wajihi karto.

“Waxaan dareemayaa inaan aad u nasiib badanahay inaan noqdo qofkii ugu horeeyay ee qaata talaalka looga hortagaayo cudurka Covid-19, waa hadiyaddii ugu wanaagsanayd ee dhalashayda, ugu dambayntii waxaan wakhti la qaadan karaa qoyskayga iyo saaxiibaday, sanadkan waxaan muddo badan ahaa qof kaligiis ah.” Ayey tiri Keenan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...