Garoowe (Halqaran.com) – Xidlhibaanno ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa dhawaan maamulka sare ee Puntland ka dalbaday inay ku soo wareejiyaan Maxaabiis Burcad badeednimo muddo dhowr sannado ugu xiran Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.
Xildhibaannada ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay Xildhibaanno ka tirsan Puntland, Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Karaash, iyagoona ka dalbaday in ragga Maxaabiista ee Burcad badeednida u xiran loo sii daayo.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowlad Goboleedyada Puntland ay shuruud ku xirtay sii deynta Maxaabista ku xiran Garoowe ee kasoo jeeda Galmudug, iyagoona sheegay in ragga lagu sii deyn karo oo kaliya hal arrin.
Puntland ayaa marka hore Galmudug u sheegay in raggaas burcadda ah ay markii horey u soo wareejisay Seychelles oo halkaas lagu soo Maxkamadeeyay, ayna Puntland kula heshiisay in raggaas lagu sii deyn karo oo kaliya markii ay xukunkooda dhameeystaan.
Sidoo kale dowlad Goboleedka Puntland ayaa u sheegtay Galmudug in suura-gal ay noqon karto in raggaas Burcad badeednimada u xiran loo sii daayo markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka dalbato Puntland inay kusoo wareejiso ragga.
Si kastaba, dalabkaan ayaa ka dambeeyay, kadib markii Xildhibaanadii ka socday Galmudug ay dhankooda Puntland Codsadeen in maxaabiista loogu wareejiyo dowladda Federaalka Soomaaliya, wallow Puntland ay arrintaas shuruud ku xirtay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com