Tuesday, January 13, 2026
24.4 C
Mogadishu

Maxaa looga hadlay Shirka Somaliya iyo Beesha Caalamka ee ka furmy Muqdisho?

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa Isniintii maanta magaalada Muqdisho ka furmay Shirka Madasha Iskaashiga ee Partnership Forum, kaas oo ay ka qeyb-galayaan Madaxda dowladda, Dowlad Goboleedyada iyo Xubno ka tirsan Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya.

Shirkan oo uu furay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble goobjoogna ka yihiin Xubno kamid ah Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale Aalada Zoomka ee Internet-ka uga qeyb-galaya Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada dalka kajira.

Shirkaan oo hal Maalin soconaya ayaa waxaa looga hadlayaa Arrimaha doorashooyinka ee uu muranka ka taagan yahay, Amniga, sii wadida dib-u-habeynta garsoorka ganacsiga dhaqaalaha, horumarka xagga deynta cafinta laga gaaray iyo  kasoo kabashada duufaan ku dhufatay meel kamid ah dalka.

Shirka ayaa waxaa khudbado ka jeedin doona, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo ay kamid yihiin Wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan, Wakiilka Midowga Afrika, Danjire Francisco Madeira.

Shirkaan kii ka horreeyey waxaa lagu qabtay Muqdisho, labadii kasii horreysay waxaa kala marti galiyey Dowladda Ingiriiska, waxana lagu qabtay Magaalada london halka midkii labaad lagu qabtay Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...