Muqdisho (Halqaran.com) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal oo Jimcihii maanta kulan rasmi ah oo ay yeesheen ayaa waxa ay guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee guddiga u doorteen Mudane Muuse Geelle Yuusuf.
Guddoonkaan cusub ee KMG ah ayaa hawshiisu tahay qaban qaabada iyo qabashada guddoonka guddiga Qaran ee hagaya doorashada.
Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa dhisay guddi ka kooban shan xubnood oo qabanaya doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka oo dhici doonta maalinta Axadda ee ku beegan 4-July-2021.
Guddoomiyihii hore Maxamed Xasan Cirro ayaa si rasmiya madasha shirka isaga casilay xilkii hore, isagoona ku wareejiyey guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee cusub.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





