Friday, April 10, 2026
29.6 C
Mogadishu

Mareykanka: ”Waxaan xaqiijineynaa in ciidamo Soomaali ah ay gudaha u galeen Itoobiya”!

Muqdisho (Halqaran.com) – Mareykanka ayaa sheegay in askar ka tirsan ciidanka Soomaaliya ay u dirtay Eritrea ay gudaha u galeen Itoobiya, taas oo ay horay u beenisay xukuumadda Federaalka.

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa weydiisay Robert F. Godec oo ah sii hayaha ku xigeenka xoghayaha Waaxda Arrimaha Afrika ee Mareykanka, waxa ka jira ku lug lahaanshaha la sheegay in ciidamo Soomaali ah ee dagaalka Tigray.

“Waxaan ka war qabnaa in ciidamo Soomaali ah ay joogeen Itoobiya, laakiin hadda ma xaqiijin karo inay dagaal ka qeyb qaateen iyo in kale, balse waan xaqiijineynaa arrintaas,” ayuu yiri Godec oo su’aashaas ka jawaabayay.

Ilhaan ayaa mar kale weydiisay Godec sababta ay ciidamada Soomaaliya u joogeen Itoobiya, wuxuuna ku jawaabay, “Waxaan rumeys nahay inay ciidamadaas ay yihiin kuwo Soomaaliya ay tababar ugu dirtay Eritrea kadib heshiis dhexmaray labada dowladood.”

Warbixin dhowaan ka soo baxday Hay’adda Xuquuqda Addanaha u qaabilsan Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in ciidamo ka socday Soomaaliya oo tababar ku qaadanayay saldhig militari oo ku yaalla Eritrea in ay suuragal tahay inay ka qeyb qaateen dagaalka ka socda gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Ugu dambeyn, Qaramada Midoobey ayaa sheegtay inay soo gareen warar sheegaya in ciidamada Soomaaliya lagu arkay magaalada Qaddiimiga ah ee Aksum ee Tigray, iyaga oo ka barbar dagaalamaya ciidamada Eritrea.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...