Muqdisho (Halqaran.com) – Golaha ammaanka ee Qaramada midoobey ayaa Arbacadii waxa uu walwal ka muujiyay ismari waaga ka jira Soomaaliya ee ku aaddan doorashada, sidaasi waxaa sheegay diblumaasiyiin ka tirsan.
Arrintaan ayaa kusoo aadeysa kaddib markii uu dhammaaday muddo xileedka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyadoo aanan lahaynin madaxweynihii badeli lahaa oo ay ahayd in la doorto 8-dii Febraayo.
15-ka xubnood ee golaha ayaa shaaca ka qaaday in xilligaan loo baahan yahay in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho ay dhammaan dhinacyada ka qayb galaya ay ku qanacsan yihiin, golaha ammaanka ayaa isla qaatay Qoraal ay soo diyaarisay Dowladda Ingiriiska kaasi oo walaac looga muujiyey xaaladda kala guurka ah ee Soomaaliya.
Wada hadalada u socda Dowladda Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah ayaa illaa hadda laga gaarin wax natiijo ah, waxaana jira khilaaf xooggan oo ka taagan arrimaha doorashooyinka, iyadoo Maamulada Puntland iyo Jubbaland ay walaac ka muujiyeen qaabka ay Dowladda Soomaaliya wax u waddo, waxaana ay sheegeen in Dowladdu ay caqabad ku tahay qabsoomidda doorashada, halka Dowladduna ay eed culus u jeedinayso labada maamul.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





