Tuesday, February 10, 2026
25.3 C
Mogadishu

Qaxooti Tigray ah oo dil iyo dhaawac loogu geystay xadka ay Sudan La Wadaagto Ethiopia

Ethiopia (Halqaran.com) –  Labo Qaxooti oo ka soo jeeda Qowmiyadda Tigrayga ayaa lagu dilay meel u dhow Xuduudka ay Sudan la wadaagto Ethiopia.

Goobjoogayaal la hadlay Wargeys ka soo baxa dalka Sudan waxay sheegeen inay Ciidanka Eritrea ay Deegaanka Dima ku dileen 2 Qaxooti, halka ay 2 kalena dhaawacmeen, iyadoo ugu yaraan 76 kalena ka baxsadeen Toogashadaasi.

Qaxootiga badbaaday waxay kuwii dhaawacmay u daabuleen gudaha dalka Sudan, si loogu daaweeyo, halka Qaxootigii geeriyooday lagu aasay gudaha Sudan.

Qaxootigaasi oo ka mid ahaa Qaxootiga Ethiopianka ee ku jira Xarunta Soo-dhaweynta Qaxootiga ee Xamdayet ee Bariga dalka Sudan waxay dhammaantooda doonayeen inay dib ugu laabtaan Deegaanadooda oo ku yaalla Degmadda Xumeyra ee Gobolka Tigrayga ee Waqooyiga Ethiopia.

Qaxooti badan oo horey uga soo qaxay Colaadaha ka socda Gobolka Tigrayga ayaa waxay bilaabeen inay isaga soo baxaan Xerooyinka buux-dhaafay ee ku yaalla Bariga dalka Sudan.

Sida laga soo xigtay Guddiga Qaxootiga dalka Sudan ee (The Sudan Commission for Refugees (COR), Ilaa 30,048 Qaxooti Tigray ah ayaa ku nool Xeryaha Qaxootiga ee Xamdayet iyo Madiina oo ku yaalla Gobolka Gadaref ee dalka Sudan una dhow xuduudka Ethiopia.

Dib u laabashada Qaxootigaas ee Gobolka Tigrayga waxay ku soo beegantay, kaddib, markii uu RW Ethiopia, Abiy Ahmed Ali dhawaan sheegay in Ciidanka Eritrea laga daad-gureyn doono Gobolka Tigrayga, kuwaasi oo uu markii ugu horreysay qiray inay ku lug lahaayeen dagaalka ay Dowladda Ethiopia kula jirto Dagaalamayaasha Kooxda TPLF.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...