Tuesday, January 13, 2026
24.4 C
Mogadishu

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Durban (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya, in uu sii kordhay dilalka joogtada ah ee loogu geysanyo halkaasi muwaadiniinta Soomaalida, iyadoo isla xalay halkaasi lagu dilay ganacsade Soomaali ah.

Soomaalida ganacsiga u joogta waddanka Koonfur Afrika, ayaa xaqiijiyay Burcad madow ahaa inay dileen wiil Soomaali ahaa oo magaciisa lagu soo koobay Faarax.

Xilliga uu dilku dhacay Muwaadinka ayaa ku sugnaa goobtiisa ganacsi oo ku taalla Magaalada Durban ee dalkaasi, taasi oo Soomaali badan ay ku leeyihiin Ganacsiyo waa weyn.

Kooxihii burcadda ahaa ee Muwaadinka Soomaaliyeed dilka u gaystay ayaa goobta isaga baxsaday.

Goobta dilka uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika, kuwaas oo sameeyay howl galo, balse ma jirta sida la sheegay cid ay usoo qabteen falka dilka ah ee loo gaystay muwaaadinka Soomaliyeed.

Ugu damebyn, dilalka loogu geysanayo muwaadiniinta Soomaalida dalka Koonfur Afrika ayaa sii kordhaya, sida muuqatana Booliska waxa ay raali ka yihiin dhibaatada lagu haayo shacabka Soomaaliyeed ee dalkaasi u jooga ganacsi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...