Monday, February 9, 2026
28.9 C
Mogadishu

Maxaa ka jira in been abuur lagu sameeyay Xeerka Maaliyadda Guud ee dalka? (War-saxafaded)

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BF Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa codsaday in baaris deg deg ah lagu sameeyo been abuur lagu sameeyay Habraaca dhaqa galinta Xeerka Maaliyadda Guud ee dalka.

War saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ayaa waxaa uu ku sheegay in Guddoonka Golaha Shacabka uu been abuur ku sameeyay Xeerka Maaliyadda Guud ee dalka, gaar ahaan qodobka 27aad oo ah Xeerka maareynta Maaliyadda Guud ee dalka oo ay waxka bedel ku sameeyeen.

Sidoo kale, qoraalka gudoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa lagu xusay, in Xeer aan aheyn kii ay waxka bedel ku sameyeen Golaha Aqalka Sare uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo, iyada oo Madaxweynaha loogu baaqay in uu baaris deg deg ah ku sameeyo Arrintaas.

Mudane Xaashi ayaa horay qoraal uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in waxka beddel lagu sameeyay Sharciga doorashooyinka Qaranka oo uu saxiixay Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Halka hoose ka akhriso War-saxaafadeedka:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...