Friday, March 6, 2026
30.9 C
Mogadishu

Golaha Wasiirrada oo maanta Ansixiyay Sharciyo cusub +(AKHRISO & SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Golaha Wasiirrada oo Khamiistii maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay ku meel mariyeen Habraacyada Xoogga Dalka oo qeyb ka ah dib-u-habeynta ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Habraacyada ciidanka xoogga ee goluhu oggolaaday ayaa kala ah Habraaca hoggaanka maamulka Ciidanka Xoogga, Habraaca Hoggaanka maamulka iyo Maaliyadda Ciidanka Xoogga, Habraaca Hoggaanka Saadka Ciidanka Xoogga,

Sidoo kale, Habraaca Hoggaanka Gaadiidka Ciidanka iyo Habraaca Hoggaanka Hubka iyo Rasaasta.

Sii-hayaha ra’iisul wasaaraha dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo shir guddoominayay kulankan, ayaa sidoo kale lagu meel mariyay hindise sharciyeedka maalgashiga iyo maalgashadayaasha iyo siyaasadda ilaalinta bulshada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...