Monday, February 9, 2026
28.9 C
Mogadishu

Milateriga Somaliya ‘‘Waxaan ku dilnay dagaalkii Daynuunaay Xubno ka tirsan Al-Shabaab”

Daynuunaay (Halqaran.com) – Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay dagaal culus oo Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab shalay ku dhexmaray deegaanka Daynuunay oo ka tirsan Gobolka Baay.

Dagaalkii shalay ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii ciidamada Shabaab ay weerar ku qaadeen Xerada Ciidanka Daynuunay, halkaasi oo saacado ay la wareegeen, ayna ku dileen Ciidamo ka tirsan dowladda.

Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidanka Dowladda Janeraal Maxamed Sheekh Cabdulaahi ayaa in Al-Shabaab ku gaarsiiyeen dagaalkii dhacay khasaaro xoogan, isla markaana ay ka dileen 17 Xubnood oo uu ka mid yahay Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsan Gobolka Baay,kaas oo uu Magaciisa ku sheegay Cabdicasiis Isaaq Nuuroow (Abuu Yaxye).

Janeraal Maxamed Sheekh Cabdullaahi ayaa waxa uu sheegay dhinaca ciidamada dowladda dagaalkaasi inay uga dhinteen Saddex Askari iyo Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka.

Ururka Al-Shabaab ayaa baraha internet-ka ee wararka ay ku faafiyaan waxa ay ku sheegteen guulo inay ka gaareen dagaalkaasi oo ay ku dileen xubno badan oo ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...