Tuesday, March 17, 2026
27.2 C
Mogadishu

DF Somaliya oo soo saartay Digniin ku socota Shacabka Somaliyed +(War-saxaafadeed)

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ay soo saartay digniin ugu dirtay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool hareeraha labada Webi ee Jubba iyo Shabeelle.

Wasaaradda ayaa sheegay, in cabsida laga qabo, Roobab, Hirar, fatahaado iyo dabeylo la filayo in ay ku soo wajahan yihiin qeybo ka mid ah dalka, iyaddoo sidoo kale Wasaaradda u sheegeysa bulshada tallaabooyinka ay tahay in ay qaadaan, si looga feejignaado halisyada laga cabsi qabo.

Haddaba halka hoose ka akhriso war-saxaafadeedka Wasaaradda:

Roobab, Hirar iyo Dabeylo ayaa la filayaa in ay ku soo wajahanyihiin qeybo ka mid ah dalka.

Roobab xooggan ayey saadaasha toddobada casho ee soo socoto tilmaamaysaa in ay ka da’idoonaan qeybo ka mid ah Goballada Koofureed iyo kuwa Woqooyi ee dalka.

Sidoo kaleRoobab ka da’aya buuralayda Itoobiya ayaa laga cabsi qabaa in ay sabab u noqdaan sare u kaca heerka Webiga Shabeelle iyo Jubba taasi oo ay ka dhalan karto fatahaado ka dhaca Magaalooyinka ku hareereysan Webiga sida Jowhar iyo Baladweyne.

Heer cabbirka Webiga Shabeelle ee uu hadda marayo ayaa saameeyay isu socodka gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee Magaalada Jowhar ee Gobalka Shabeellada dhex.

Degmada Afgooye oo ay dhawaan saameeyeen roobabkii xagaaga ee aan horey uga dignay ayaa waxaa laga cabsi qabaa in ay mar labaad saameyn ku yeeshaan roobabka la filayo in ay da’aan toddobada cisho ee soo socta, iyadoo wabigu horey u buuxay.

Mowjadaha iyo Hirarka Badda: 7-12 Bisha Ogosto waxaa la saadaalinayaa in Mowjadaha Badda ay sara u kacayaan taas oo sababi karta in ay wax yeelo naf iyo maalba leh u gaysato dadka ku shaqeysta doonyaha yaryar iyo dadka dalxiiska u aada xeebaha, sidoo kale waxay waxyeelo u geysan kartaa dadka ku nool nawaaxiga badda.

Dabeylaha Xagaaga xaalada dabeysha ayaa markasta is badbadaleysa sidaas darteed waxaa laga cabsi qabaa in maalmaha soo socda ay sara u kac ku yimaado Xawaare-socodka dabeysha.

Xarunta Qaran ee Ka digista Halis-wadareedka (NMHEWC) waxay si gaar ah uga digeeysaa dhammaan bulshooyinka kala duwan sida; dadka ku nool hareeraha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba, kaluumeeysatada iyo dadka ku dhaqan degaannada dhaca Xeebaha in ay ka digtoonaadaan khataraha ku soo wajahan.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka (WG&MM) waxey ugu baaqeysaa dhamaan maamulladda deegaanaddaas kor ku xusan iyo dhammaan hey’adaha gargaarka ee ka hawlgala deegaannadaas in ay u diyaar garoobaan xaaladdan soo cusboonaatay, ayna taageero u muujiyaan bulshada ku dhaqan xeebaha iyo deeganada barriga ah.

Xarunta waxey si dhaw ula socotaa is badalka xaaladaha , waxeyna idiin soo gudbineysaa waxa soo kordha iyo sida ay isubaddesho xaaladda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...