Galmudug: ‘‘Waanu ku filannahay sugidda ammaanka Madaxda maamul goboleedyada dalka‘‘

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa si weyn loo adkeeyay, xilli lagu wado inay maalinta Khamiista ku kulmaan Madaxweyneyaasha shanta Maamul Goboleed.

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya, in magaalada laga dareemayo qaabka loogu diyaargaroobayo martigelinta shirka, ay ku leeyihiin Madaxweyneyaasha Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle, ayaa sheegay inay Galmudug ku filan tahay suggida ammaanka Madaxda Maamul Goboleedyada, ee ku shireysa Magaalada Dhuusamareeb.

Axmed Shire Falagle, ayaa tilmaamay in Galmudug uu ka jiro ammaan la’isku halleen karo, Magaalada Dhuusamareebna ay tahay magaalada maanta ugu amniga wanaagsan Galmudug, sida uu yiri.

Wasiirka oo ka soo muuqday Warbaahinta ayaa muujiyay in martigelinta shirkan uu ka tarjumi doono heerka uu gaarsiisan yahay amniga ka jira deegaannada Galmudug.

Madaxda Maamulada Dalka ka dhisan ayaa Isniintii isla gartay inay isugu taggaan Magaalada Dhuusamareeb, si ay isula lafaguraan siyaasadda murugsan ee dalka, ee ka dhalatay murunka hareeyay doorashada.

Ugu dambeyn, danleyda Siyaasadda Dalka ee ku kala aragtida duwan siyaasadda ayaa waxaa dabka ku sii shiday hadalkii ay Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), Gudoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, ka hor sheegtay Golaha Shacabka, lana xiriiray inaanan doorashada lagu qaban karin waqtigii loogu talagalay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com