Thursday, November 13, 2025
25.8 C
Mogadishu

Ciidamo boolis ah oo lagu qarxiyay Muqdisho iyo Wararkii ugu dam..

Muqdisho (Halqaran.com) – Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay dhabarka danbe ee safaarada Dowladda Qatar ku leedahay Magaalada Muqdisho oo ku dhow Madaxtooyaddii hore ee Cabdiqaasim Xaafadda Taleex ee Gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa waxaa lala eegtay gaari ay wateen Ciidamada Booliska oo halkaasi maraayay, kadib markii lagu qarxiyay miinada nooca dhulka lagu aaso.

Gaariga qaraxa lala eegtay oo ah nooca yar ee Booliska isticmaalaan, ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay Khasaare soo gaaray Ciidamadii saarnaa, inkastoo aanan si dhab loo ogeyn waxyeelada Ciidamada soo gaartay.

Ciidamo kale oo Booliska ka tirsan ayaa goobta gaaray, waxaana halkaasi laga qaaday Askarta waxyeelada soo gaartay.

Goobta qaraxan ka dhacay ee Gaariga Ciidamada lagula eegtay ayaa inta badan waxa ay tahay wado cidlo ah oo aysan marin gaadiidka, dadkana waxa ay uga cabsoodaan tuugo shacabka dhacda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...