Monday, April 27, 2026
28.9 C
Mogadishu

Faah-faahin laga helayo dagaal ka dhacay Jowhar iyo sargaal ku geeriyooday

Jowhar (Halqaran.com) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xooggan oo u dhexeeyay ciidanka dowladda Federaalka, kuwa maamulka Hirshabeelle iyo kooxda Macawiisleyda oo ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle

Dagaalka ayaa saaka magaalada Jowhar ku dhexmaray ciidamada maamulka Hirshabeelle iyo malleeshiyada Macwiisleyda, iyadoona uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ay ciidamada Macawiisleyda ay weerar ku qaadeen bar kontorool oo ay ku sugnaayeen ciidamada ilaalada Madaxweynaha Hirshabeelle iyo kuwa boolis ah oo ku taal xaafadda Hanti wadaag gaar ahaan laanta Baddacas,  iyaga oo ka careysan xarig loo geystay toddobaadkii hore taliyahooda oo lagu magacaabo Yuusuf Macalin.

Illaa iyo hadda macadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka , balse warar ay Halqaran News ka heleyso deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen saraakiil ka tirsan madaxtooyada dowlad goboleedka Hirshabeelle. Dadkii ku geeriyooday dagaalka waxaa kamid ahaa Cali Axmed Goodaad “Cali Madoobe” oo ka tirsanaa mas’uuliyiinta madaxtooyada Hirshabeelle.

Sidoo kale waxaa dhaawacmay Ciise Nuur oo ka mid ah shaqaalaha barotakoolka madaxtooyada Hirshabeelle.

Dhinaca ciidamada Macawiisleyda ayaa iyana waxaa soo gaarey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo aan la heyn tirada rasmiga ah.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Hirshabeelle, kaasi oo ku aadan dagaalkan maanta ka dhacay magaalada Jowhar.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...