Tuesday, July 14, 2026
27 C
Mogadishu

Faah-faahin ku saabsan qarax ay dad ku dhinteen oo maanta ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Inta la ogyahay laba qof oo shacab ah ayaa ku dhintay qarax miino, oo Talaadadii maanta ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ka dhacay inta u dhaxeyso Isgoyska Tarabuunka iyo Isbitaalka Masaarida ayuu bartilmaameedku ahaa gaari Cabdi Bille ah, oo ay la socdeen Ciidanka Xoogga Dalka, oo ku sii jeeday dhanka Warshadda Caanaha.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay inay ciidamadu ka badbaadeen qaraxaasi, balse ay ku dhinteen laba qof oo shacab ah oo waddada dhinaceeda marayay, mid kalena uu ku dhaawacmay.

Ciidan uu watay Taliyaha Saldhigga Booliska ee Degmada Hodan, Xuseen Cadceed Cismaan ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inay dhowr nin u soo qabteen qaraxaasi, mana jirto cid illaa iyo hadda sheegatay masuuliyadda qaraxan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...