Wednesday, December 10, 2025
27.4 C
Mogadishu

Hoggaamiyihii Al Qaacidda oo lagu dilay Caasimadda Kabul

Kabul (Halqaran.com) – Mareykanka ayaa sheegay in Hoggaamiyihii Ururka Al Qaacidda, Ayman al-zawahiri lagu dilay weerar dhinaca cirka oo ka dhacay Magaalada Kabul ee dalka Afghanistan

Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay inuu bixiyay amarka Sabtidii lagu dilay Hoggaamiyihii Al Qaacidda, ka dib markii la ogaaday inuu ku sugan yahay Caasimadda Kabul.

“Ka dib markii si sax ah loo hubiyay goobta uu ku sugan yahay ayaa waxaan amray in lala beegsado duqayn ka saari karta goobta dagaalka, gebi ahaanba. Hawlgalkan wuxuu ahaa mid si wanaagsan loo qorsheeyay, isla-markaana aad loo yareeyay khatarta ay waxyeelo kaga soo gaari karto dadka rayidka.” Ayuu yiri Madaxweynaha Mareykanka oo intaasi ku daray “Xubno ka tirsan qoyskiisa waxyeelo kama soo gaarin hawlgalkan, mana jirin cid kale oo rayid ah oo wax ku noqotay.”

Madaxweynaha ayaa ninkaasi ku eedeeyay inuu si qoto dheer leh ugu lug lahaa weerarkii 11-kii September 2001 ee ka dhacay dalka Mareykanka, laguna dilay ku dhawaad saddex kun oo qof oo reer Mareykan ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dilka ninkaasi uu war wanaagsan yahay qoysaska Mareykanka ee dadkooda ku waayay weerarkii September 11.

“Hadda cadaaladdii baa la gaaray, hoggaamiyihii argagixisadana waa u dhamaatay, bulshada caalamkana uma baahan doonaan inay ka baqaan hoggaamiyahan ma naxaanka ah iyo dilaagaan madaxa adag.” Ayuu yiri Madaxweyne Biden.

Ayman al-Zawahiri ayaa xilka la wareegay, ka dib markii la dilay hoggaamiyihii isaga ka horreeyay Osama bin Laden.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...