Friday, June 5, 2026
28.1 C
Mogadishu

RW Xamse Cabdi Barre oo magacaabay Golihiisa Wasiirada cusub + (Akhri Magacyada+Beelaha)

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa galabta magacaabay Golihiisa Wasiirada cusub, kadib munaasabad lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa magacaabay 25 wasaaradood, waxaana uu sheegay in xukuumadda cusub uu ugu magac-daray ‘Xukuumadda Dan Qaran’.

Mr Barre oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ka codsaday inay codka kalsoonida siiyaan Golihiisa Wasiirada.

Ka dib markii lagu dhawaaqay xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada ayaa waxaa la faray inay si degdeg ah ula wareegaan xilalkooda, ka dib marka la dhaariyo.

Xubnaha Golaha Wasiirada oo ku sugnaa munaasabadda ayaa sawir wadajir ah la galay Ra’iisal Wasaare Barre.

Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo saddexdii sano ee ugu dambeysay u xirnaa Dowladda Federaalka, horeyna u soo noqday Ku-xigeenka Hoggaamiyaha Al-Shabaab ayaa loo magacaabay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta.

Wasiirada la magacaabay oo u badan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa isugu jira qaar horey xilal uga soo qabtay xukuumadihii dalka isaga kala dambeeyay iyo kuwo cusub.

Halka hoos ka aqriso magacyada xubnaha la magacaabay iyo qabiiladooda:

1- Saalax Axmed Jaamac, Ra’iisul Wasaare ku-xigeen – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Isaaq/Garxajis.
2- Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, Wasiirka Awqaafta iyo Diinta – Waxa uu kasoo jeedaa Digil iyo Mirifle/Leesaan
3- Xasan Macallin, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Hawiye/Murusade/Sabti
4- Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Hawiye/Habargidir/Sacad
5- Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiirka Maaliyadda – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Samaroon.
6- Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Wasiirka Gaashaandhigga, wuxuu kasoo jeedaa Mirifle/ Jiroon
7- Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga – Waxa uu kasoo jeedaa Majeerteen/Ciise Maxamuud
8- Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada Waxa uu kasoo jeedaa Reer Aw-Xasan.
9- Maxamuud Cabdiraxmaan Beena-Beene, Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Hawiye/Baadicadde.
10- Jaamac ilka Jiir, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka, waxaa uu kasoo jeedaa Beesha Daarood / Warsangeli.
11- Fardowsa Cismaan Dhoore, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka, wuxuu kasoo jeedaa Daarood/Leelkase
12- Jaamac Xasan Khaliif, Wasiirka Boosatada iyo Isgaarsiinta – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Daarood/Dhulbahnte
13- Xasan Xuseen Eelaay, Wasiirka Xananaada Xoolaha, wuxuu kasoo jeexa Mirifle/ Eelay.
14- Jibriil Cabdirashiid, Wasiirka Ganacsiga Warshadaha.
15- Ismaaciil Sheekh Bashiir, Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryenta – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Isaaq/Habarjeclo.
16 -Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Haweenka – – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Shanaad/Yaxar
17- Dr. Crisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Hawiye/Xawaadle.
18- Maxamuud Doodishe, Wasiirka Amniga Gudaha –  – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Daarood/Mareexaan.
19- Axmed Madoobe Nuunoow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, wuxuu kasoo jeeda  Digil/Dabare
20- Dr. Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Caafimaadka – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Hawiye/Gaaljecel.
21- Axmed Xasan Aadan, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyeaadka Badda, wuxuu kasoo jeedaa Beesha Dir
22- Daa’uud Aweys, Wasiirka Warfaafinta – – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Shanaad/Jareer
23- Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Isaaq/Garxajis.
24- Jaamac Taqal, Wasiirka Korontada iyo Biyaha, wuxuu kasoo jeeda beesha Dir/Biyamaal.
25- Maxamed Barre Maxamuud, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaraaha, wuxuu kasoo jeedaa Beesha Shanaad/ Ajuuraan.
26- Khadiija Al-Makhzuumi, Wasiirka Bay’adda iyo isbddelka Cimiladda, waxay kasoo jeedaa Beesha Shanaad/Reer Xamar.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...