27.9 C
Mogadishu
Wednesday, August 10, 2022

Faah-faahin cusub oo ku saabsan qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagu weeraray xero ciidan oo ku taalla Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa oo maanta lala beegsaday xero Ciidanka Xoogga dalka ay ku leeyihiin oo ku taalla dhabarka dambe xarunta Xisbiga iyo Stadium Muqdisho.

Ugu yaraan 6 Askari oo uu ku jiro darawalkii Jeneraal Tareedisho ayaa la sheegay inay halkaasi ku dhinteen, waxaana dhaawac ah ku dhawaad 10 Askari iyo dad shacab oo ka agdhawaa xerada Ciidanka ee weerarka Ismiidaaminta lagu qaaday.

Goobaha Caafimaadka ee gurmadka deg dega ayaa xaqiijiyay in sidoo kale dhaawacyo ay kasoo qaadeen goobta uu weerarku ka dhacay.

Xeradan waxaa degan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Guutada 27aad ee Militariga Soomaaliya oo uu Taliye u yahay Generaal Tareedisho oo ka mid Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

Gaariga lagu dhex qarxiyay xerada ayaa noociisa waxaa lagu sheegay Nooha, waxaana ka xeynaayay naftii halige gudaha xerada galiyay gaariga, iyadoo halkaasi uu ka dhashay Khasaare soo gaaray ciidamada.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada weerarka lagu qaaday Ciidanka dowladda, waxaana ay sheegeen qof ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab oo waday gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu galay xeradda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Uganda, Somalia ink MoU on Defence Cooperation

Somalia and Uganda have signed defence cooperation agreement following...

FAO appeals for over $130M to assist 882,000 people across drought-hit Somalia

By - Mohammed Dhaysane  / AA The UN Food and...

Kenyan presidential candidates in final dash before vote to succeed Kenyatta

Flanked by cheering crowds, the frontrunners in Kenya's presidential...

Somalia backs China over US, reaffirms its supports for one-China policy

Somali government has expressed its support for China’s sovereignty,...

Over 800 Al-Shabab’s Militants Killed Including 24 Top Leaders

More than 800 militants of the terrorist al-Shabab group...
spot_img

Guddoomiye Sh. Aadan Madoobe oo guddi u saaray fowdadii ka dhacaday Golaha Shacabka

Muqdisho (Halqaran.com) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa magacaabay Guddi KMG ah oo kasoo talabixiya dhacdadii 07/08/2022 ka dhacday...

Mahdi Guuleed oo xilka ku wareejiyay R/Wasaare Ku xigeenka cusub ee dalka

Muqdisho (Halqaran.com) - Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Dalka, Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xilka kala wareegay Ra’iisal Wasaare Kuxigeenkii hore ee xukuumadda, Mahdi Maxamed Khadar...

Mareykanka oo Ukraine ugu yaboohaya hub uu qiimihiisu gaarayo hal bilyan oo dollar

Washington (Halqaran.com) - Dowladda Mareykanka ayaa ballanqaaday taageero dheeri ah oo militari inay siin doonto Ukraine, si dowladda dalkaasi ay isaga caabiso duulaanka Ruushka. Hubkan...