Wednesday, June 3, 2026
27.9 C
Mogadishu

Faah-faahin ku saabsan haweeney Saygeeda ku dishay degmada Hobyo & Wararkii ugu dambeeyay

Hobyo (Halqaran.com) – Haweeney ka mid ah bulshada ku dhaqan Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa maanta saygeeda ku dishay degmadaasi, ka dib murun la sheegay in uu soo kala dhexgalay.

Ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cali Gayr ayaa ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Qaybta 21aad ee ka hawlgasha Gobolada Dhexe.

Axmed Xasan Xersi oo ka mid ah ehelada marxuumka ayaa mareegta Halqaran.com u xaqiijiyay in murun uu soo kala dhexgalay Cali Gayr iyo xaaskiisa oo lagu magacaabo Ruqiyo Macalin Daahir.

Axmed Xasan ayaa yiri “Allaha u naxariisto Cali Gayr wuxuu ka mid ahaa Ciidamada Militariga ee Qaybta 21aad, waxaa dhawaan lagu biiriyay Ciidamada Isku Dhafka ee sugga amniga Magaalada Gaalkacyo. Muddooyinkii ugu dambeysay wuxuu ka hawlgalaayay Gaalkacyo.”

Waxa kaloo uu yiri “Gabadha dishay oo xaaskiisa ahayd ayaa lagu magacaabaa Rukhiyo Macalin Daahir, waxay leedahay suuxdin, maalmahaanba murunkooda wuu taagnaa. Maanta ayay ku dishay qori uu lahaa oo guriga yaalay.”

Axmed Xasan oo faah faahiyay xaaladda ay ku sugan tahay Ruqiyo ayaa yiri “Markii ay rasaasta ku dhufatay marxuumka way suuxday, markii ay soo miyirsatay ayaa loo sheegay in Cali uu geeriyooday, koomo ay markaas gashay ayay illaa iyo hadda ku jirtaa.”

Ugu dambeyn, dhacdadan ayaa noqotay midda loogu hadalhaynta badan yahay ee Degmada Hobyo, iyadoo ay dadku isla dhex marayan dilka ay haweeneydaasi u gaysatay saygeeda.

Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...