Sunday, April 19, 2026
28.7 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Muxuu Madaxweynaha Puntland ku soo arkay goobihii uu maanta Kormeeray?

Boosaaso (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Khamiistii maanta kormeer kala duwan ku soo sameeyay goobo kala duwan, oo ku yaala Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Madaxweynaha Puntland ayaa kormeeray Saldhiga Bartamaha, Taliska Qaybta Booliska ee Gobolka Bari, Dekeda Boosaaso, Suuqa Kalluunka iyo Maxjarka Xoolaha ee Magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha ayaa soo arkay qaabka casriga ah ee dhawaan loo dhisay Saldhigga Bartamaha Boosaaso, iyadoo uu ujeedku ahaa si uu qiimayn ugu soo sameeyo shaqada uu bulshada u hayo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Saraakiisha Booliska kula kulmay Taliska Qaybta Booliska ee Gobolka Bari, waxaana uu ka dhageysay warbixino la xiriira dhinaca ammaanka iyo qaabka ay shaqada u wadaan.

Mr. Deni, Madaxweynaha Puntland oo tagey Dekeda Boosaaso ayaa kula kulmay Masuuliyiinta Wasaaradaha Dekedaha & Gaadiidka Badda iyo Kalluumeysiga, iyadoo uu boggaadiyay shaqada ay shacabka u hayaan.

Madaxweynaha Puntland oo korkeerkiisa sii wata ayaa kormeeray Suuqa Kalluunka iyo Maxjarka Xoolaha ee Magaalada Boosaaso, waxa uuna soo indha indheeyay sida ay hawluhu uga kala socdaan.

Ugu dambeyn, Saciid Deni ayaa Maamulka Gobolka Bari iyo kan Degmada ka dalbaday in ay asteeyaan goobtii laga dhisi lahaa marso ay yeelanayan kalluumeysatada iyo dadka isugu kala gooshaya Gobolka Bari, kuwooda isticmaala badda.

Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...