Sunday, January 18, 2026
25 C
Mogadishu

Faah-faahin cusub iyo Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii ka dhacay deegaanka Daynuunaay

Daynuunaay (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin ka soo baxaya dagaal cusub oo saaka ka dhacay saldhigga ciidamada dowladda Soomaaliya ee Daynuunaay, kaddib markii weerar culus ay ku qaadeen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, sida ay xaqiijiyeen ilo dhinac amniga ah.

Wararka ayaa sheegaya, in dagaalkan la isku adeegsaday hub culus, waxaana wararka dhinaca amnigu sheegayaan in Al-Shabaab ay saacadihii hore ee saaka galen saldhigga, inkastoo goor dambe ay ciidamo gurmad ah xoojiyeen kuwa dawladda islamarkaana dib u qabsadeen saldhigga.

Ugu yaraan shan askari ayaa ku dhimatay weerarka oo uu ku jiro taliye ka tirsan ciidanka. Saddex ka mid ah ciidanka ayaa la sheegay inay ku dhinteen miino la qaraxday xilli ay gurmad ugu sii socdeen saldhigga.

Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegayey inay khasaare gaarsiiyeen Ururka Al-Shabaab iyadoo faah-faahin aysan weli soo bixin

Deegaanka Daynuunay ayaa ah saldhig milatari oo 18KM u jra magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...