Monday, February 9, 2026
28.9 C
Mogadishu

Wariye Abuuja oo xorriyadiisa dib u helay, kaddib markii…

Muqdisho (Halqaran.com) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa ugu dambeyn Arbacadii maanta waxa ay go’aan ku gaartay in la sii-daayo Wariye Maxamed Cabduwahaab Nuur Abuuja oo muddo dhowr bilood ah si sharci darro ah ugu xirnaa DF Soomaaliya.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhawaaqay Go’aanka Maxkamadda ayaa sheegay in baaris dheer kadib Wariye Abuuja lagu waayay dambi, isaga oo amray in Xabsiga laga sii daayo.

Wariye Maxamed Cabduwahaab Nuur Abuuja oo ah Tifaftiraha Idaacadda Hiigsi ee Magaalada Muqdisho ayaa Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya War kasoo baxay 22-kii Bishii April ee Sanadkan waxaa ay ku sheegtay in loo heysto kiis la xiriira in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab kana qeyb qaatay dil ka dhacay Muqdisho, hayeeshee ugu dambeyn Maanta ay sheegtay Maxkamadda Ciidamada in dambi lagu waayay Wariyaha sidaasina Xabsiga looga siidaayay.

Aabaha dhalay Suxufigaan Cabdiwahaab Nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sii daysmada wiilkiisa, waxaana uu sheegay inuu ka mahadcelinaayo tallaabada lagu sii daayay.

Wariye Maxamed Cabduwahaab Nuur Abuuja ayaa dhankiisa uga mahadceliyay dhamaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo Ururada Bulshada Rayidka, tallaabada dadaalka ugu muujiyeen Wariyaha oo ugu dambeyn xorriyadiisa dib u helay maanta.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...