Saturday, April 18, 2026
29.9 C
Mogadishu

Duqeymo xooggan oo lagu garaacay degmooyinka iyo magaalooyinka ay ka taliyaan Al-Shabaab

J/Dhexe (Halqaran.com) – Ciidanka Kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa duqeeyay Xarumo Al-Shabaab kulahaayeen degmooyinka Jilib, Bu’aale, Saakow iyo degaanka Salagle oo dhamaantood ka wada tirsan gobolka Jubbada dhexe.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Kumaandooska dowladda Federaalka ayaa sheegay in duqeyntaas oo dhacday xalay lagu bur buriyay fariisimo iyo gaadiid ay lahaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha Guutada 16aad Ciidanka kumaandooska dowladda Federaalka Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay duqeynta ay waxyeelo xooggan ka soo gaartay Saraakiil iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo ay dib kasoo sheegi doonaan tirada dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray.

Wuxuu intaasi ku daray taliyaha, in Al-Shabaab haatan ay bilaabeen in ay isaga baxaan deegaanno ka tirsan Jubbada dhexe, kadib markii ay kordheen weerarada dhinaca cirka ah oo Mareykanka la beegsanayo.

Waxaa muddooyinkii dambe Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya iyo Ciidanka Mareykanka ayaa wax ay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan Magaalooyinka ay maamulaan Shabaab ee ku yaallo Gobolada dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...