
Sh/Dhexe (Halqaran.com) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Ciidamada Amisom lagula eegtay Gobolka Shabellaha dhexe, waxaana ka dhashay Khasaare soo gaaray Ciidamada Amisom.
Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa lala eegtay Kolonyo Ciidamada Amisom oo maraayay duleedka Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku geeriyooday laba Askari oo ka tirsan Ciidamada Burundi, halka tiro kalena dhaawac uu soo gaaray, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inay maqlayeen jugta qaraxaas.
Ururka Al-Shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxii lala eegtay Ciidanka Burundi ee ku socdaalayay degmada Mahadaay, iyagoona xusay in halkaas ay ku dileen laba Askari oo Burundi ah, kuwo kalena ay dhaawaceen.
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa waddooyinka ay maraan Ciidamada dowladda Federalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom, waxa ay ku aasaan miinooyinka Qaraxyada oo ay la eegtaan Kolonyada gaadiidkaasi.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





