Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehliyo madaxweyne Ku-xeenka Axmed Cilmi Cismaan, ayaa Talaadadii maanta kulan la qaatay, Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Ambassador Aadan Xassan Aadan iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid Puntland.
Kulanka kadib war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu qeexay, in madaxweyne Deni iyo Ambassador Aadan, ay ka wada hadleen, xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Jabuuti iyo Sidii la isaga kaashan lahaa xoojinta arrimaha Ganacsiga iyo Horumarinta Kaabayaasha Dhaqalaaha.
“Madaxweyne Saciid Deni iyo Ambassador Aadan Xasan Aadan ayaa ka wada hadlay, xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Jabuuti iyo Sidii la isaga kaashan lahaa xoojinta arimaha Ganacsiga iyo Horumarinta Kaabayaasha Dhaqalaaha.” ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedka.
Safiirka Jabuuti iyo wafdigiisa oo Isniintii maalintii booqday dekedda Cusub ee laga dhisayo deegaanka Garacad, ayaa soo kormeeray sida ay u socoto howsha dhismaha dekedda.
Sidoo kale, kulankaasi waxa goob joog ka ahaa wakiilka Puntland ee Jabuuti Siciid Mahdi iyo Mas’uuliyiin kale.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com









