Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyada oo ka duulayso waajibka shaqo ee ka saaran inay bulshada la wadaagto xogaha la xariiro Caabuqo dunida kusii faafaya ee COVID-19, isla markaana bulshada u bayaaninaysa wararka la xariira muwaadin Soomaaliyeed oo saarnaa diyaaradda Itoobiya ee saakay soo gaartay garoonka Aadan Cabdulle ee Muqdisho.
Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa ka yimid Shiinaha waxaana uu soo maray dalka Itoobiya, kadibna Muqdisho ayuu soo gaaray, waxaana dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay ku heyso meel gaar ah.
Sidoo kale, dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in lala xisaabtami doona Shirkadda Diyaaraddaha oo jabisay amarkii dowlada ee ahaa in la keenin dalka ruux ka yimaada dalalka uu ka dilaacay cudurka Corono Virus.
Halka hoose ka akhriso war-saxaafadeedka:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com







