Tuesday, February 10, 2026
25.3 C
Mogadishu

DF Somaliya oo ganacsatada ugu baaqday inay Safka hore ka galaan qorshaha ka hortagga Covid-19

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Eng. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in hantidooda ay uga qayb qaataan qorshaha xakameynta COVID-19, sidoo kale ay ku dadaalaan inaan sare loo qaadin qiimaha la kala siisto badeecada gaar ahaan cunnada aasaaska u ah nolosha bulshda iyo inay ku tarsamaan wax soo saarka gudaha si looga maarmo ku tiirsanaanta cunnada dibadda laga soo dhoofiyo.

Eng. Cabdullaahi Cali Xasan waxuu sheegay in xukuumaddu ay xooggeeda isugu geysay in ganacsatada loo fududeeyo wax kasta oo qayb ka qaadan kara horumarinta ganacsiga, cunnada qaarna cashuur dhaaf iyo canshuur dhimis loogu sameeyay, sabab la xariirta in dadka nugul aysan dareemin saameynta ka dhalaneysa tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19.

Dhanka kale, Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada, Fowsiya Abiikar Nuur, oo sheegtay in dib-u-dhis ballaaran lagu wado Isbitaal Banaadir, qaybta loogu tala galay la tacaallida COVID-19, ayaa u mahad celisay shirkadda Isgaarsiinta Horumuud oo bixineysa qarashaadka ku baxay dib-u-dhiska.

Maamullada Isbitaallada gaarka loo leeyahaya ayey wasiirku ugu baaqday inay bukaannada si wanaagsan u qaabilaan, baaritaan marsiiyaan iyaga oo taxadaraya, bukaankii ay ka shakiyaanna ay ku wareejiyaan qaybka ku shaqada leh la tacaallidda cudurka COVID-19, si looga baaqsado in qof Soomaaliyeed uu dhibaato usoo gaarto daryeel xumo.

Tala-bixiyaha caafimaad ee COVID 19, Dr Maxmed Cali Fuje, ayaa bulshada kula darmaarmay inay qaataan tillaabooyinka caafimaad, si ay qayb uga noqdaan qorshaha xakameynta cudurka dilaaga ah “Walaalayaal COVID19 Hargab daran ma aha. Waa xanuun halis ah, Waa xanuun wata qandho daran, cune xanuun iyo in uu marka dambe qofku neefsan waayo oo sambabadu istaagaan, taas oo keeneysa geeri”, ayuu yiri Dr. Fuje.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta kulan la qaatay safiirrada dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo wakiillada hey’adaha caalamiga ah ee dalka ku sugan ayaa ku war geliyay in dhammaan barnaamijyadii qorsheysnaa ee dowladda lagu caawinayay loo leexiyo wax ka qabashada cudurka halista ah ee COVID-19 iyo caawinta dadka nugul ee saameynta ay ku yeelanayaan tillaabooyinka lagu xakameynayo cudurka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...