Sunday, June 14, 2026
25.9 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Isbitaalka Martiina oo si dhammeystiran loo qalabeeyay si loogu daweeyo bukaanada Covid-19

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Soomaaliya oo ku dadaaleysa in sida ugu habboon uguna dhaqsaha badan loo xakameeyo cudurka CODIV-19, ayaa qalabkii caafimaad ee loo baahnaa u dhammeystirtay isbitaalka Martiini ee loo asteeyay in lagu daweeyo bukaannada uu soo rito cudurka safmareenka ah ee dunida oo dhan dhibaatada badan ku haya.

Dowladda ayaa maanta qolalka xaaladda degdegga ah (ACU) ee Isbitaalka ku xirtay Labaatan (20) sariirood oo loo dhammeestiray dhammaan qalabkii loo baahnaa si loogu xanaaneeyo dadka xaaladoodu aadka u adagtahay.

Isbitaalka waxaa sidoo kale laga howl geliyay Dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal leh dhammaan takhasusyada loo baahanyahay oo ay kamid yihiin 10 dhaqtar iyo 10 kalkaaliye oo Isbitaalka digfeer horay uga shaqeyn jiray, hadana qayb ka qaadanaya xakameynta COVID-19, waxaa sidoo kale dhawaan ka howl billaabaya la taliyaal sare oo caafimaad oo ku takhasusay maareynta cudurrada faafa iyo cudurrada neef mareenka.

Isbitaalka oo lagu howl billaabay March 16, 2020 ayaa lagu qaabilay 218 Bukaan oo 21 kamid ah la jiifiyay. Afar kamid ah bukaannadii la jiifiyay ayaa cudurka ayaa ka bogsooday dibna looga saaray, waxaana xilligaan jiifa 17 bukaan oo xaaladooda lagula tacaalayo, kuwaas oo uu kamid yahay Bashiir Qaasim Maxamed oo caddeeyay inuu ka helay adeegya caafimaad oo tayo keh.

Dowladda oo caddeysay in horumarinta lasii wadayo, ayaa bulshada ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad maadaama marka uu Xanuunka soo rito dadka qaba xauunnada raaga ay wax ka qabashadoodu adagtahay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...