Saturday, April 18, 2026
29.9 C
Mogadishu

XOG: Wariye Mukhtaar Catoosh oo weli ku xiran Baydhabo & K/Galbeed oo war cusub ka soo saartay

Wariye Mukhtaar Catoosh

Baydhabo (Halqaran.com) – Wariye Mukhtaar Maxamed Catoosh oo ka tirsan Laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa maalintii labaad ku xiran Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, xilli aan wax maxkamad ah la horkeenin.

Wariyaha ayaa waxaa soo xiray ciidan gaar ah oo loo tababaray Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), xilli uu horkacayay Gaashaanle Amiin Maxamed Daruur, Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Baay.

Ciidamada ayaa waxay Wariyaha ka soo xireen, xilli uu ku sugnaa Hotel Jeeri Tower ee bartamaha Magaalada Baydhabo, waxayna ku xireen Saldhiga Bari, oo dhawaan ay saldhig ka sameysteen Ciidanka Dembi Baarista ee CID.

Sheekh Ibraahim Maxamed Cali, Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Baay ayaa faray Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Baydhabo in xabsiga lagu sii hayo Wariye Mukhtaar Maxamed Catoosh, illaa waqti aan la garanayn.

“Waxaa la faraya Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Degmada Baydhabo inaad xabsiga si ku meel gaar ah ugu sii haysaan eedeysane Mukhtaar Maxamed Catoosh ina Nuurto Cabdiraxmaan Cali 39 jir ah, ku dhashay Xamar, degan Baydhabo.” ayaa lagu yiri warqad uu soo saaray guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Baay.

Ma faah faahin gudoomiyaha waxa lagu soo eedeeyay Wariye Catoosh, marka laga soo taggo in eedeyntiisa loo cuskaday qodobka 271 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Xog lagu kalsoonaan karo oo ay heshay mareegta Halqaran.com, ayaa sheegaya, in Wariyaha lagu xiray warbixin uu maalmo ka hor ka diray Magaalada Baydhabo, lana xiriirtay afar dumar ahaa oo bilowgii toddobadkan lagu kufsaday Deegaanka Yaaqbar-weyne ee Gobolka Shabellaha Hoose. Haddiiba laga dheregsan yahay jiritaanka iyo xaqiiqda kufsiga loo gaystay dumarkaasi ayaa la isweydiinaya waxa Maamulka Koonfur Galbeed ku riixay xariga Wariyahan.

Sidoo kale xogta ayaa intaasi ku daraysa, in maamulka Madaxweyne Laftagareen uu Wariyaha ku raadinayay fursad uu xabsiga ku soo dhigi karo, iyadoo uu maamulkiisu horey uga gilgishay warbixin uu Wariyuhu ku faah faahiyay dadkii 16 bilood ka hor ay Ciidamada Booliska ku laayeen Magaalada Baydhabo, kadib xarigii aan sharciga ahayn ee lagula kacay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo hadda xabsi guri ku ah Muqdisho.

Amarka ka soo baxay Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Baay ayaa ku soo aadaya, xilli Garsoorka Maxkamadda Gobolka uu fasax ku guda jiro.

Tani ayaa waxaa loo fasirtay mid uu Maamulka Koonfur Galbeed ku xalaaleysanayo xariga Wariyihii VOA-da uga hawlgelayay Magaalada Baydhabo.

Hadalhaynta ugu badan ee magaalada Baydhabo ayaa noqotay sifada aan sharciga ahayn ee xabsiga loogu taxaabay mid ka mid ah Wariyayaasha ugu caansan Deegaannada Koonfur Galbeed.

Isku soo wada duub, xariga Wariye Mukhtaar Catoosh ayaa imaanaya, xilli toddobadkii hore Magaalada Baydhabo lagu xir xiray afar xubnood, oo si dhow ula shaqaynayay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), oo tan iyo 31-kii bishii December ee sanadkii 2018 u xiran Dowladda Federaalka Somaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...