Saturday, April 18, 2026
29.9 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS oo ka hadlay muddo kororsiga lala xiriirinayo dowladda

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa markii ugu horreysay si daahfuran uga hadlay wararka sheegaya in Golaha Sharci dejinta iyo Dowladda Federaalkaba, ay muddo kororsi qorsheynayaan.

Guddoomiye Mursal oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da, waxna laga weydiiyay walaaca ka dhashay dib u dhigista lagu sameeyay furitaanka Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, ee ah inay horseedi karto dib u dhac ku yimaada doorashada lagu wado in sanadka soo socda ay dalka ka dhacdo ayaa meesha ka saaray in dib u dhac ku imaan karo doorashada.

Maxamed Mursal Sheekh ayaa tilmaamay in hal qodob loo baahan yahay in si wanaagsan uu dadku u fahmo. Doorashada la qabanayo oo uu ku sheegay inay tahay mid lagu soo dooranayo Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Senatorada Golaha Aqalka Sare, taasina aanu jiri karin wax dib u dhac ku keeni kara.

“Horta waxaan rabaa in hal qodob si fiican loo fahmo. Sharcigan doorashada waxaa loogu talagalay waa baarlamaanka Soomaaliya. Waad la socotaa muddooyinkii aan ka soo gudubnay oo ugu dambeysay 2016-kii, doorashadii la aadi jiray waxay ahayd doorasho dadban. Marka waxaa la dooranaya 275 oo Golaha Shacabka ah iyo 54 oo Aqalka Sare ah. Waxay ila tahay in taasi xal loo waayi doonin.” ayuu yiri guddoomiyaha.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay inay magacaabeen guddi ka soo tala bixiya qodobada ka harsan Sharciga Doorashooyinka Qaranka, iyagoo la kaashanaya guddiga madaxabannaan doorashooyinka Qaranka, isagoo intaa ku daray in shaqadooda ay meel fiican mareyso, doorashadana lagu qaban doono xilligii loogu talagalay.

“Anaga waxaan magacawnay guddi ku meel-gaar ah oo ka soo shaqeeya qodobada ka dhiman Sharciga Doorashooyinka, ayagoo kaashanaya Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka. Hawshiina way wadaan, inkastoo arrintan Coronavirus ay shaqooyinkii qaar u saamixi weysay, laakiin shaqo fiican ayay qabteen illaa hadda. Waxaana aaminsanahay inay soo dhammeystiri doonaan, waqtigii loogu talagalayna ay doorashada dhici doonto.” ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Mursal ayaa intaa ku daray in dalka uu leeyahay dastuur, kaasoo jideenaya muddo xileedka Baarlamaanka iyo Xafiiska Madaxtooyada, ka hor inta aanu waqtigoodu dhammaana ay doonayan inay doorashada qabtaan.

Ugu dambeyn, Maxamed Mursal Sheekh ayaa yiri, “Waddankan dastuur buu leeyahay, xilliyaa loogu talagalay dastuurkaasi oo ah mudada xil-haynta ee Baarlamaanka iyo midda Madaxweynaha. Xilligaas waxaan rabnaa intaan la gaarin ka hor doorasho inay dhacdo, haddii Alle idmo.”.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...