Hargeysa (Halqaran.com) – Xisbiyada mucaaradka ee Somaliland ayaa ku adkaysanaya in madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumaddiisaba aanay sharci ku fadhinin xafiisyada, maadaama waqtigii dastuuriga ahaa uu ka ekaa Axaddii shalay aheyd, waa sida ay hadalka u dhigeenee.
Golaha guurtida ee Somaliland ayaa madaxweynaha iyo xukuumaddaba ugu daray muddo laba sanadood ah, taas oo ay tahay inay doorasho ku qabtaan, arrintaas oo ay gaashaanka u daruureen labada xisbi ee mucaaradka ah, UCID iyo Waddani.
Khilaafka la xiriira doorashada madaxtinimada ee Somaliland ayaa soo socday muddo bilooyin ah.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee mucaaradka ah, Faysal Cali Waraabe oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa faah-faahin ka bixiyay nuxurka go’aanka ay soo saareen iyo waxa ay ku tallaabsan doonaan, waxaana uu sheegay si sharci darro ah uu kursiga ugu fadhiyo.
Halka hoose ka dhageyso Wareysiga ay BBC-da la yeelatay Feysal Cali Waraabe:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





