Tuesday, May 12, 2026
31.9 C
Mogadishu

Furitaanka Kalfadhiga 2-aad Baarlamaanka Labada Aqal oo laga shiray & Madaxweyne Xasan oo la filayo…

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JF Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliso Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa Isniintii maanta shir guddoomiyay kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Kulanka Guddiga Joogtada Golaha Shacabka BFS ayaa lagu falanqeeyay go’aaminta goobta lagu qabanayo furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka JFS.

Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka oo ku beegan 15-ka bishan oo maalinta berri ah iyo anisixinta soo jeedinta Guddiga Joogtada ee buuxinta kuraasta ka bannaanaata Golaha Shacabka Baarlamaanka JF Soomaaliya.

Waxaa Talaadada berri ah la filayaa in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu furo kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka labadiisa Aqal, isaga oo furitaanka kulanka khudbad ka jeedin doona.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...