Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JF Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliso Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa Isniintii maanta shir guddoomiyay kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka.
Kulanka Guddiga Joogtada Golaha Shacabka BFS ayaa lagu falanqeeyay go’aaminta goobta lagu qabanayo furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka JFS.
Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka oo ku beegan 15-ka bishan oo maalinta berri ah iyo anisixinta soo jeedinta Guddiga Joogtada ee buuxinta kuraasta ka bannaanaata Golaha Shacabka Baarlamaanka JF Soomaaliya.
Waxaa Talaadada berri ah la filayaa in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu furo kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka labadiisa Aqal, isaga oo furitaanka kulanka khudbad ka jeedin doona.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com