Monday, April 20, 2026
30 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo ka hadashay geerida Madaxweynihii Imaaraadka Carabta

Muqdisho (Halqaran.com) – R/Wasaaraha XF Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka iyo Dowladda Imaaraadka Carabta uga tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee madaxweynihii Dowladda Imaaraadka Carabta Sheekh Khaliif Bin Zayid Ala Nahyaan oo maanta geeriyooday.

Mudane Rooble ayaa yiri“ Waxaan walaaleheenna Imaaraadka Carabta la qeybsaneynaa xanuunka iyo murugada ka dib geeridii ku timid Allaha u naxariistee Sheekh Khaliifa Bin Zayid, madaxweynihii Imaaraadka Carabta oo geeriooday maanta oo Jimce ah”

“Anigoo ka ku hadlaya magaceyga iyo magaca Shacabka Soomaaliyeed waxa aan uga tacsiyeynayaa qoyska marxuumka, dowladda Imaaraadka shacab iyo hoggaanba, Shucuubta Carabta iyo Islaamka, geerida Allaha u naxariistee Sheikh Khaliifa Bin Zayid oo ka mid ahaa haldoorka iyo hoggaanka Ummadda Carabta iyo Islaamka”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Rooble ayaa marxuumka Alle uga baryay in uu naxariistii Janno ku manneysto, ehelkiisa, shacabka imaaraadka iyo guud ahaan ummadda Islaamkana Samir iyo iimaan ka siiyo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...