Monday, April 20, 2026
30 C
Mogadishu

DAAWO VIDEO: Qalbi Dhagax oo farriin xasaasi ah oo la xiriirta doorashada soo saaray

Muqdisho (Halqaran.com) – Cabdikariin Muuse (Qalbi Dhagax) oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa hadal uu jeediyey wuxuu ugu mahadceliyay xukuumadda ra’iisul wasaare Rooble sida ay u qaadacday go’aankii lagu dhiibay iyo ururkii uu ka tirsanaa ee lagu tilmaamay argagixiso.

Wuxuu xusay, in wixii dhacay iyo ciddii geysatay shacabka Soomaaliyeed xusuusan yahay, taariikhdana ay qoreyso qof walba wixii uu ummada u geystay, dadkaasina inay waajib tahay in dhammaan shacabka Soomaaliyeed dib ula xisaabtamaan.

Qalbi dhagax ayaa waxaa Itoobiya u gacan geliyey xukuumadda Xasan Cali Kheyre oo hadda ah musharax, weli u aqoonsan Qalbi dhagax iyo ONLF inay yihiin argagixiso.

“Nasiib daro, iyadoo aan ognahay dhowrkii sano u danbeysay inaanu ku sugneyn jahwareer, hubanti la’aan dowladeed iyo qiyaas aan la garan karin meesha aan ku danbeyn doono, ciddii dhibaatadaas inoo geysatay mar kale inay leedahay han, haddaad dhiman weydeen mar kale nasoo doorto, nasoo celiya, si aan idiin wada baabi’ino” ayuu yiri Qalbi Dhagax.

Halka hoose ka Daawo Muuqaalka Qalbi Dhagax oo dhammeystiran:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...