Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in weli uu mamnuuc yahay keenista qaadka ka imaanaya waddanka Kenya, oo dhowr bil kahor dalka laga joojiyey.
Qoraal kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa lagu war-geliyey dhammaan shirkadaha diyaaradaha Soomaaliya in keenista qaadka Miraa ay mamnuuc ka tahay dalka, islamarkaana aysan waxba iska beddelin siyaasadda dowladda federaalka ee ku aaddan in Miraa aanan la keeni karin garoomada diyaaradaha Soomaaliya.
Hay’adda ayaa sheegtay in Miraa la keeno Soomaaliya ayada oo aan ogolaansho laga haysan loo arki doono ficil sharci darro ah iyo xadgudub ka dhan ah hawada Soomaaliya, inta ay dowladdu ogeysiin dambe kasoo saari doonto.
Warka kasoo baxay dowladda ayaa imaanaya ayada oo Khamiistii 6-dii May ay dowladda federaalka sheegtay inay dib usoo celisay xiriirka diblomaasiyadeed ee dalka Kenya.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





