Friday, April 10, 2026
29.6 C
Mogadishu

Ururka Jaamacadda Carabta oo kulan ka yeelanayo dadkii lagu waxyeeleeyey Masjidka Al-aqsa

Cairo  (Halqaran.com) – Kulanka Wakiillada Joogtada ah ee golaha Ururka Jaamacadda Carabta ayaa lagu wadaa in maanta uu ka dhaco xarunta Ururka Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Shirkaan oo la filayo in looga hadlo arrimaha dalka Falastiin iyo tacaddiyada ka dhanka ah Falastiiniyiinta ay waddo Israa’iil ayaa waxaa shir guddoomin doono dowladda Qatar.

Shirkan deg dega ah ee looga hadlayo tacaddiyada iyo weerarada askarta Yuhuudu u geysteen  dad ku cibaadeysanayay Masjidka  Al-aqsa ayaa  codsigiisa ka yimid dowladda Falastiin  waxaana ku dhawaaqay kaaliyaha xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...