Muqdisho (Halqaran.com) – Taliska booliska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay khasaarihii ka dhashay qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Afhayeenka booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali Duudishe oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in qof isku soo xiray walxaha qarxa uu isku qarxiyey saldhigga booliska degmada Waaberi.
Afhayeenka ayaa sheegay in qaraxaas ay ku geeriyoodeen 6 qof, waxaana laba ka mid ah ahaayeen saraakiil sarsare oo ka tirsan booliska Soomaaliya.
Dadka ku dhintay qaraxa waxaa ka mid ah taliyihii saldhigga degmada Waaberi Axmed baashane oo ku magac dheeraa Colaalay, kaasi oo horay taliye uga soo noqday Saldhigyada degmooyinka Cabdi Casiis iyo Shibis ee Gobolka Banaadir.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





