Monday, March 16, 2026
27.2 C
Mogadishu

DF Somaliya oo ka hadashay Dadkii xoogganaa ee Khasaaraha geystay ee ka kacay Kismaayo

Kismaayo (Halqaran.com) – Waxaa xalay magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG u ah Maamulka Jubbaland ka kacay dab xooggan oo khasaare badan dhaliyay, waxaa dabkaasi ku bur-burtay Hanti aad u badan oo ay lahaayeen dad ganacsato ah.

Dabka oo si gaar ah uga kacay Suuqa weyn ee Magaalada Kismaayo, waxaana uu qabsaday goobo ganacsi, isagoo kusii baahay gudaha suuqa, waxaana la sheegay in goobo shidaal uu gaaray taasi oo keentay in dabku sii labo qarxo, oo uu goobo hor leh ku faafo.

Xilli dambe ayaa lagu guulaystay in dabkaasi laba damiyo, waxaana ka qaybqaatay laamaha dabdamiska iyo dadka shacabka ah, kuwaasi oo isku kaashaday sidii ay u baqtiin lahayeen dabkaasi ka kacay suuqa weyn ee Magaalada Kismaayo.

Ra’iisul wasaaraha XF ee Soomaaliya Xamse Cabdii Barre ayaa ka hadlay dabkaasi, waxaana uu Alle uga baryay inuu badal khayr qaba ka siiyo ganacsatada ku hanti beeshay dabkaas.

“Waxaan murugada iyo xanuunka la qeybsanayaa dadka shacabka ah ee hantidooda ku wayay musiibada caawa ka dhacday suuqa ugu weyn ee Magaalada Kismaayo, Waxaana Alle uga baryayaa inuu badal khayr qaba ka siiyo hantida ay ku wayeen dabkaas” ayuu yiri RW Xamse.

Ma jiraan wax khasaaro nafeed ah oo uu geystay dabkaasi xoogganaa ee ka kacay xalay Suuqa weyn ee Kismaayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...