Hargeysa (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa magaalada Hargeysa ku casuumay Wafdigii beesha Garxajis ee ka yimid Gobolka Sanaag, kuwaasi oo dhex dhexaadin ka waday Jabhada Kornayl Caarre iyo Xukuumadda Somaliand, iyo Colaadii Beelaha u dhaxaysay.
”Maanta Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani iyo Wafdigiisa oo ka yimid Gobolka Sanaag, oo gacan ka gaystay sidii loo dhamayn lahaa Khilaafka ina dhex yaala” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Saldaanka ayaa dhankiisa sheegay in ay Rajjo badan ka Qabaan inay ku guulaystaan Howsha ay u istaageen, wuxuuna xusay inay Guul ka sidaan khilaafkii taagnaa, inta hartayna si wacan loo dhammayn doono.
HALKAN HOOS KA DAAWO MUUQAALKA:
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
Farmaajo Yuusan sheegin guul aan weli imaan oo noqon karta guul-darro uu ka cararo!
DAAWO VIDEO: Saraakiil ka tirsan Somaliland oo si kulul ugu jawaabtay Puntland (Maxaa Cusub)?
Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com






