Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay aqbashay markii ay maxkamadda ICJ geysay dacwad ka dhan ah Kenya in ay aqbasho xukun walba oo maxkamadda ka soo baxa: guul iyo guuldarroba. Dacwaddu ma ahayn mid Xasan Sheekh uu guri ay Kenya ka dhacday ku soo dhacsanayo, waxay ahayd dacwad uu ku gudbiyay magaca Jamhuuriyadda ee uu shaqaalaha ka ahaa, Farmaajana sidoo kale.
Jawiga hadda Soomaaliya ka jira wuxuu marayaa in xitaa la siyaasadeeyo guusha wiilashii Soomaaliyeed ee ka badiyay Zimbabwe. Libintii u soo wada hoyatay Soomaali oo dhan ayaa koox siyaasadeed u tarjumatay riixidda ujeeddo gaar ah iyo olole.
Kiiska badda wuxuu ka mid yahay waxyaabaha dhifka ah ee ay Soomaalida ku mideysan tahay. Sida haddii lagu guuldarreysto ay isaga fogeyn lahayd mas’uuliyadda fashilka, waxaa la gudboon Villa Somalia in ay libin marka ay timaadana ay ku ekaadaan u mahad celinta dadkii shaqadan bilaabay iyo kuwii sii dardar geliyay illaa guul laga gaaro, guushana ka dhigto guul Soomaaliyeed.
Sannadkii 2008 dhaqaalaha Maraykanka ayaa dhulka galay; Obama intii uu xilka hayay wuxuu qaaday tallaabooyin dhaqaalaha lagu habaynayo, wayna shaqeeyeen, laakiin waxaa uu kobocii muddo laga soo shaqaynayay uu si sax ah u taabbo galay markii Trump uu xilka qabtay: laga billaabo sayladaha Dow Jones, NASDAQ, shaqo helidda, abuurka ganacsiga dhammaan waxay joogaan heerkii ugu wannaagsanaa. Sida caadada ahba Trump wuu inkiray shaqadii Obama ee 8 sanno soo socotay, wuxuu sheegtay xishood la’aan in uu asaga 2 sanno gudahooda ku kobciyay dhaqaalaha.
Koboc dhaqaale waa wax lagu farxo laakiin falcelinta ka dhalatay sheegashada Trump ayaa waxay keentay in dad badan oo caan ah, siyaasiyiin iyo wariyayaal, in ay burbur dhaqaale oo ku habsada dalkooda Maraykan ay ku duceystaan. Bill Maher oo ah daadihiye barnaamij caan ah ayaa yiri: “waxaan jeclaan lahaa in uu dhaqaalaha dhulka galo, la waayo shaqo, sayladaha ay sabbeeyaan, si shacabku ay u dhibtoodaan, kaddibna ninkaan madaxa jaalaha leh bannaanka loo tuuro”.
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
- WAR CUSUB: Maxaa ka Ogtahay in dowladda Qadar ay Al-Shabaab siisay lacag tira badan si loo dhiso waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye?!
- XOG XASAASI: Puntland oo shaacisay inay qabatay xubo ka tirsan Al-Shabaab oo xiriir la leh Somaliland. (Maxa Cusub)?
- DEG DEG +DAAWO MUUQAAL: Feysal Cali Waraabe oo Hargeysa ku soo dhaweeyay Suldaanka Garxajis ee ka yimid Sanaag & Korneyl Caarre oo…
- DAAWO SAWIRRO: RW Kheyre oo maanta booqday ciidamo tababar uga socda magaalada Baydhabo!
Derek Thompson oo ah wariye ka tirsan wargeysa Atlantic ayuu wuxuu qoray maqaal cinwaankiisu yahay, “walaalyaalow dhaqaalo burbur ha ku duceysanina”. Aqoonyaho, indheer.garad, macallimiin jaamacadeed, siyaasiyiin kuwii ugu garashada badnaa ayaa aad ugu faraxsan is qab qabbsiga dhaqaale ee Shiinaha iyo.Maraykanka bal haddii uu burbur dhaqaale uu u keenni karo dalkooda oo shacabka dhib ku ah balse ay u arkaan xannuun gaaban oo gaarsiinaya guul ah in ay Trump dhaafiyaan Aqalka Cad.
Waxa ugu qaalisan ee uu dal leeyahay haddii la arko in uu qof si shakhsi ah uga faa’ideysanayo, in dad badan oo qiima leh ay duruufta ku kalifayso in ay yiraahdaan:
“Inta uu Farmaajo libinta u isticmaali lahaa siyaasad, badyahay jinni laguu xukun”.
Sidoo kale waa la mid maamulkii Xasan Sheekh, waa in aysan sheegasho siyaasadeed ka dhigan libin laga soo helo maxkamadda!
Sida goolkii wiilkii asagoo qarankiisa u dhidhidaya dhaliyay siyaasad ahaan loogu isticmaalay, yaanan qaddiyadda badda ee na mideysa loo isticmaalin.
Bad ka weyn baan u bi’inay yuusan hebel iyo asxaabtiisa keligood macaashin; waxaana u duminay qaran, waxaana nooga dhintay dad fara badan, welina kabasho ayaan ku jirnaa.
In guud ahaan midnimo aan gaarno, qeybsanaantana iska deyno, waxay ka billaabanaysaa ugu yaraan in aan qeybin ka ilaalino meelaha ay midnimadu ku dambeyso, qaddiyadda badda iyo xulka qaranka waa ka kow!
Inta hartay dacarta ka daaya!
W/Q: Hassan Adam Hosow
AFEEF: Aragtida qoraalkan kama tarjumeyso tan Halqaran.com, waxay u gaar tahay magaca ku saxiixan. Halqaran.com, waa warbaahin madax-banaan una furan shacabka Soomaaliyeed. Fikirkaada ku soo dir: halqarannews@gmail.com . Mahadsanid.