Thursday, November 13, 2025
28.1 C
Mogadishu

XOG XASAASI: Puntland oo shaacisay inay qabatay xubo ka tirsan Al-Shabaab oo xiriir la leh Somaliland. (Maxa Cusub)?

Sareeye Gaas Yaasiin Cumar Dheere

Garoowe (Halqaran.com) – Taliyaha ciidamada Daraawiishta ee  dowlad goboleedka Puntland, Sareeye Gaas Yaasiin Cumar Dheere oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada maamulkaasi ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, islamarkaana xiriir la leh Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ayaa xusay in xubnaha la qabtay ay qirteen inay yihiin Al-Shabaab, islamarkaana ay is-baheysi la yihiin Somaliland, Wuxuuna  tilmaamay in xubnahani lagu qabtay agab iyo dhaqaale laga keenay Somaliland, una wadeen buuraha Galgala oo ay ku xooggan yihiin Al-Shabaab.

Dhinaca kale, ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Somaliland oo ku aadan raggaasi ay qabteen ciidamada Puntland.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Waxay aheyd, dhawaan markii Puntland shaacisay in ciidanka Somaliland iyo Al-Shabaab oo wada socda ay duulaan ku yihiin gobolka Sanaag, iyadoona arrintaasi ay si kulul uga Jawaabtay Somaliland oo sheegtay inaanu Jirin Xiriir kala dhexeeya Kooxaha Xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Si kastaba, Puntland iyo Somaliland ayaa ku muransan gacan ku haynta Gobollada Sool iyo Sanaag, waxaana jira eedaymo kala duwan oo ay Warbaahinta isku Mariyaan.

Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...