Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Qatar ayaa lacag boqolaal kun oo dollar ah siisay maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab oo dhawaan hakiyay dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, sida ay ilo xog ogaal ah oo lagu kalsoonyahay u xaqiijiyeen mareegta Halqaran.com.
Ururka Al-Shabaab ayaa todobaadyo ka hor joojiyay dhismaha wadadaan kadib markii ay u hanjabeen shaqaalaha dhismaha iyo shirkadda qandaraaska qaadatay.
Xogta Halqaran.com ay haleyso ayaa sheegaya, in lacag ka badan nus milyan ay Al-Shabaab ka qaateen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Qatar oo maamulaya dhismaha wadadaan, si loo fasaxo islamarkaana dib loogu billaabo. Lacagta ayaa la rumeysan yahay in lasoo mariyey shirkadda dhiseysa waddada.
Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa mareegta Halqaran.com u sheegay in hadda ay dib u billaabatay dhismaha waddada, islamarkaana ay dowladda Qatar bixisay lacagtaasi.
Qatar waxay lacagtaan bixisay kadib markii ay shaqada socon waysay, waxaana sidoo kale Dowladda Soomaaliya ay ogolaatay in lacagta la bixiyo maadaama aysan awoodin ilaalinta wadada haddii la dhiso iyo inta dhismaha socdaba, iyo xaqiiqda ah inay dooneyso in waddada la dhiso.
Ururka Al-Shabaab ayaa shirkadda dhismaha wadda u sheegay in wadadaan aysan dhisnaan doonin hadii ay shaqada dhamaato, sidoo kalane ay soo weerari doonaan inta shaqada socoto waxayna arintaasi sababtay in dhismaha istaago.
Si kastab, lacagta Qatar ay siisay maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa ku soo aadaysa, xilli 22-kii uu wargeyska New York Times ee Mareykanka daabacay in ganacsade xiriir la leh amiirka Qatar uu safiirka Qatar ee Soomaaliya u sheegay in weerar ka dhan ah Imaaraadka Carabta bishii May laga fuliyey magaalada Boosaaso, ayada oo loogu daneynayo Qatar.
Waxay aheyd bishii June, dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxrayn ayaa xiriirka u jaray Qatar ayaga oo ku eedeynaya inay xiriir la leedahay, islamarkaana taageerto kooxaha argagixsada caalamiga ah.
Isku soo wada-duub, lacagta ay iminka Qatar siisay Al-Shabaab, iyo eedeymaha la xiriira ku lug lahaanshaha weerarkii bishii May ee Boosaaso, ayaa sii kordhinaya tuhunka laga qabo in Qatar ay mala-geliso argagixisada.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com