Saturday, May 23, 2026
26.5 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Abaaro ba’an oo dhibaato xooggan ku haya gobolka Gedo, & Xoolo dhaqatadii oo xaalad adag ku sugan

Abaaraha ka jira qeybo ka mid ah gobollada dalka oo ay xoolihii u le’deen.

Gedo (Halqaran.com) – Abaar ba’an oo xilligan ka taagan dhulka baadiyaha gobolka Gedo ayaa saameysay daaqa, deegaanka iyo dadkaba.

Boqolaal Xoolo dhaqato ah ayaa wajahaya xaalado macluul iyo abaaro darran, ayadoo kaliisha ay hor leedahay.

Ma jirto illaa iyo haatan cid gargaar geysey gobolka, ayadoo dhibaatada abaaraha ay ku darmeen isgaarsiinta meelaha qaarkood oo waxyeelo ba’an ay soo gaartey markii Ciidmada Kenya ay beegsadeen dhowr barood oo ah kuwa shirkada Hormuud ee ku yaalla deegaanada xuduudda Kenya ku teedsan.

Sidoo kale, abaaraha ayaa ka jiran deegaano kale oo ka mid ah Soomaaliya, sida ay dhowaan sheegeen mas’uulyiin ka tirsan Urur Gobboleedka IGAD oo ku shiray Nairobi.

Warbixinta IGAD ayaa lagu sheegay in 2 million oo qof oo ku nool Soomaaliya ay wajahayaan xaalado nololeed oo adag oo abaarta ay horseedday.

Halka hoos ka dhageyso CODKA:

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...