WAR FIICAN: Cirib-tirka xanuunka dilaaga ah ee Duumada (Malaariyada) oo rajo fiican laga qabo adduunka! +(Warbixin)

Waxaa rajo fiican laga qabaa ciribtirka Malaariyada/ Photo Credit: GETTY IMAGES
Waxaa rajo fiican laga qabaa ciribtirka Malaariyada / Photo Credit: GETTY IMAGES

Nairobi (Halqaran.com) – Duumada ama malaariyada oo ah xunuun in muddo ah aduunka ka jiray kana mid ah xanuunada dilaaga ah ee ku dhaca bini’aadamka ayaa sanadaha soo socda caalamka laga cirib tiri doona, sida lagu sheegey warbixin lasoo saarey.

Sanad waliba waxaa jira ilaa 200 oo milyan kiisaska duumada ah, kuwaasoo inta badan ay u dhintaan caruurta .

Warbixinta lasoo saarey ayaa qeexeysa cirib tirka duumada hada ineysan ahayn rajo fog balse baabi`inta dul ku noolaha keena malaariyada, oo afka qalaad lagu yiraahdo “Parasitka” ay ku bixi doonto laba bilyan oo doolar oo dheeraad ah sanad walba.

Malaariyada ayaa ah xanuun ay keento kaneecada teeda dhaddigga ah.

Xanuunkan ayaa qofka uu ku dhaco wuxuu u gudbin karaa qof kale, maadaama kaneecada isaga qaniinta ay cudurka qaadsiineyso dadka kale ee ay sii qaniinto.

Qofka ayaa aad u xanuusada, qandha saa’idna ahna dareema marka ay kaneecadu qaniinto ee ay ku abuurto malaariyada.

Dul ku noolaha ama “parasitka” ayaa saameyn waxyeello ah u geysta unugyada beerka iyo waliba dhiiga, calaamadda lagu garto ayaana ah in qofka ay ku dhacdo dhiig yaraan.

Ugu dambeeyn ayuu xanuunka waxa uu u gudbaaya jirka oo idil oo xitaa maskaxda ay kamid tahay .

Sanad waliba 435,000 oo qof ayaa u dhinta malaariyada, kuwaasi oo caruurta ay ugu badanyihiin.

Caalamaka ayaa durba hormarro ka sameeyey dhanka la dagaalanka duumada tan iyo sagaal iyo tobankii sano ee lasoo dhaafey.

Wadamada faraha kulul ay malaariyadu ku heeysey ayaa kasoo yaraadey 106-dii wadan ee ay horay u ahaayeen waxayna haatan hoos ugu dhaceen 86-wadan.

Halka kiisaska malaariyada 36 boqolkiiba ay hoos udhaceen , waxaa kaloo hoos u dhacay 60% tirada u dhimaneysay duumada.

Hoos u dhacaan ayaa waxaa sabab u ah korarka ku yimid helidda waxyaabaha looga hor tago kaneecada sida shandarwada ama mara kaneecada, sunta lagu buufiyo kaneecada iyo dawooyinka kale ee wax tarka leh ee lagu daaweeyo dadka ay malaariayadu ku dhacdo.

Muhiimada Warbixiintaan ay leedahay maxeey tahay?

Cirib tirka iyo baabi`inta duumada waxay ka dhigan tahay gaarista guul in muddo ah lagu taamaayey oo farxaddeeda leh.

Warbixintan ayaa waxaa cilmi baaristeeda saddex sano ka hor billowdey Hay`ada caafimaadka aduunka ee qaramada midoobay ee WHO.

Waxaa lagu doonayay in lagu ogaado suurtagalnimada, mudada ay qaadaneeyso iyo dhaqaalaha ku baxayo cirib tirka duumada.

41 khubaro oo isugu jira saaynisyahanno iyo dhaqaaleyahano oo howshan ku guda jiray ayaa sheegay in ay macquul tahay cirb tirka malaariyada marka la gaaro sanadka 2050 -ka.

“In muddo ah ciirb tirka malaariyada wuxuu ahaa rajada fog, laakin hadda waxaan heyna cadeyn ah in laga takhalusi karo marka aynu gaarno sanada 2050 -ka ” waxaa sidaa yiri Richard Feachem oo kamid ah soo saarayaasha warbixintaan.

Hase yeeshe, wuxuu hoosta ka xariiqay in safarka uu yahay mid adag.

Balse saameeynta malaariyado waxey ahaan doontaa mid sii jirta oo laga dareemo qaaradda Afrika laga billoobo dhanka waqooyi galbeed ee ay ugu horeyso Senegal ilaa Mozambique oo ah Cirafka kale ee Koonfur bari ee Afrika.

Warbixinta ayaa ku taliineysa in si loogu guuleeysto cirib tirka Malaariyada sanadka 2050-ka ay lama huraan tahay in si habboon loo adeegsado teknoolojiyada iyo hababka hormarsan ee lagula tacaalaayo xanuunkan duumada.

Falcelinta La xariirta Cirib tirka Malaariyada

“Cirib tirka malaariyada waxeey ahayd hadafyada ugu dambeeya ee faya dhowrka bulshada muddo qarniyaal a , waxay sidoo kale ahayd mid aad u adag “, waxaa sidaa yiri Dr Tedros Ghebreyesus oo ah agaasimaha guud ee hay`ada caafimaadka ee qramada midoobay WHO .

“In lagu guuleysto cirib tirka malaariyada waa wax u baahan hami sare, dadaal iyo iskaashi ka duwan midkii hore, waayo faa’iidada way ka ballaaran tahay waxa la maal galiyey iyo in naf la badbaadiyo balse waa sare u qaadidda noolaha bani’aadanka, xoojinta dhaqaalaha iyo in wax lasoo kordhiyo lana helo duni caafimadkeedu sarreeyo ” ayuu yiri Dr Fred Binka oo ka tirsan jaamcada caafimaadka iyo culuumta sayniska ee Ghana.

Xigasho – BBC

Xafiiska Halqaran.com, Nairobi
Halqarannews@gmail.com