UPDATE: DF Somaliya oo war deg-deg ah ka soo saartay dayactirka Stadium Muqdisho ee la sheegay inay hakiyeen Al-Shabaab!

Muqdisho (Halqaran.com) – DF Soomaaliya ayaa beenisay wararka sheegaya in maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ay joojiyeen dhismaha iyo dayactirka lagu waday garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho.

Garoonka Stadium Muqdisho waxaa shalay galab booqday ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed guuleed (Khadar) oo ay wehlinayeen wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, wasiirka warfaafinta Maareeye iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish iyo ku-xigeenkiisa amniga iyo siyaasada Maxamed Cabdullaahi Tuulax.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in howlihiidhismaha iyo dayactirka ee Stadium Muqdisho ay si caadi ah u socdaan, isla markaana ay been abuur tahay inay Shabaab joojiyeen.

Mr. Maareeye ayaa sheegay inaysan jirin cid joojin karta shaqada ka socota garoonka.

Wuxuu wasiirku sheegay inuu warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo dadka uu ugua digayo baahinta warar uu sheegay inay yihiin been abuur.

Sidoo kale, Maareeye ayaa waxa uu sheegay in ay baaritaano ku sameyn doonaan shirkadda heysata qandaraaska dhismaha, isla markaana ay wax ka weeydiin doonaan arrimhaasi.

Warka ku saabsan in shaqada lagu joojiyey amar, oo markii hore uu baahiyey taleefishinka Universal ayaa laga soo xigtay shirkadda dhismaha iyo qaar ka mid ah shaqaalaha, oo hanjabaado ka helay.

Si kastaba, Ururka Al-Shabaab oo markii horeba awood ciidan oo ay garoonka ku qabsadeen ku joojin dayactirka, tagitaanka xubnaha dowladda ee garoonka caddeyn uma noqon karaan inaan la joojin, waxaana lagu kala ogaan doonaa sida ay shaqada u socoto maalmaha soo socda.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com