Sool (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya, in dagaal beeleed Khasaaro badan geystay uu markale dib uga qarxay Jimcihii maanta Ceelka Dhabar-Dalool oo koofur kaga beegan degmada Duddun ee gobolka Sool.
Daryanka rasaasta culus oo laba dhinac ah, ayaa laga maqlayay goobta dagaalka, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan, inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin karin.
Dad goob joogayaal ah oo ku sugan tuulada holhol oo ku dhow nawaaxiga dagaalku ka socdo, ayaa laga soo xigtay in dagaalku jihooyin horleh ku fiday, balse faahfaahin kale ma jirto.
Anteenada isgaarsiinta ayaan sidoo kale laga heli karin dhulka lagu dagaallamayo oo ka tirsan didibta nugaaleed oo aad joogeedu u hooseeyo.
Colaaddan waxa saacadihii u dambeeyay baaqyo nabadeed ka soo saaray dhinacyo kala duwan oo ay ku jirto dowlad goboleedka Puntland.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





