Saturday, May 30, 2026
26.1 C
Mogadishu

Mareykanka oo Safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha dalka Mareykanka, Joe Biden ayaa Amb. Larry André u magacaabay inuu noqdo Safiirka cusub ee Mareykanka u fadhin doono Somaliya.

Amb. Larry André ayaa ahaa Safiirkii Mareykanka ee Jabuuti, tan iyo sanadkii 2017, waxaana uu bedeli doonnaa Danjire Donald Yamamoto, Safiirkii Mareykanka ee Somaliya.

Safiirka cusub ee Mareykanka u soo magacaabay Soomaaliya ayaa arrimaha diblomaasiyadda ku soo jiray tan iyo sanadkii 1990, isagoona horey u soo noqday Danjiraha Mareykanka ee dalalka South Sudan iyo Mauritania.

Larry André oo 60 jir ah ayaa waxay magacaabidiisa imaanaysaa, xilli uu Mareykanka si weyn uga horyimid muddo kororsiga labada sano ah ee loo sameeyay Hay’adaha Dowladda Federaalka.

Mareykanka ayaa Talaadadii ku hanjabay in uu dib u eegis ku samayn doono xiriirkiisa Somaliya, haddii ay Madaxda Dowladda Federaalka dhaqangeliyaan muddo kordhinta Madaxtooyada iyo Baarlamaanka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...