Saturday, May 23, 2026
28.9 C
Mogadishu

Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay gobolka Hiiraan & Wararkii ugu dambeeyay

Hiiraan (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya, in dagaal khasaaro dhimasho iyo dhaawac geystay uu ka dhacay deegaanno hoostaga degmada Jalalaqsi, kaasi oo u dhaxeeyay xubno ka mid ah kooxda macawiisleyda iyo Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Xarun ay ku sugnaayeen Kooxda Macaawiisleey oo ku taalla deegaanka Ceel-Ceed oo qiyaastii 4-km u jira Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen Xubno ka tirsan Kooxda Macaawiisleeyda oo dagaalka kula jira Al-Shabaab iyo Ururka Al-Shabaab, islamarkaana uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac.

Ugu dambeyn, wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaanka Ceel-Ceed oo qiyaastii 4-km u jira Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay ku sugan Xubno ka tirsan Kooxda Macaawiisleeyda, islamarkaana ay ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...