Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay gobolka Hiiraan & Wararkii ugu dambeeyay

Hiiraan (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya, in dagaal khasaaro dhimasho iyo dhaawac geystay uu ka dhacay deegaanno hoostaga degmada Jalalaqsi, kaasi oo u dhaxeeyay xubno ka mid ah kooxda macawiisleyda iyo Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Xarun ay ku sugnaayeen Kooxda Macaawiisleey oo ku taalla deegaanka Ceel-Ceed oo qiyaastii 4-km u jira Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen Xubno ka tirsan Kooxda Macaawiisleeyda oo dagaalka kula jira Al-Shabaab iyo Ururka Al-Shabaab, islamarkaana uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac.

Ugu dambeyn, wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaanka Ceel-Ceed oo qiyaastii 4-km u jira Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay ku sugan Xubno ka tirsan Kooxda Macaawiisleeyda, islamarkaana ay ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com