Sunday, April 26, 2026
27.9 C
Mogadishu

Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Somaliya oo war ka soo saartay Doorashooyinka Hirshabeelle

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ay ka hadashay howlaha doorashooyinka ee ka socda deegaannada Hirshabeelle.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu bogaadiyay Xubnaha soo xulista xubnaha Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, waxaana loogu baaqay inay howlaha dhiman sii dardar geliyaan.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxa ay uga mahad celisay Guddiga soo Xulista Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle shaqadii wanaagsaneyd oo ay ka qabteen soo xulista xubnaha Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxa ay u hambalyaynaysaa Baarlamaanka labaad ee loo dhaariyay Dowlad Goboleedka Hirshabeele iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan ee ka qeyb qaatay hannaanka geeddi socodka soo xulista Baarlamanka labaad ee Hirshabeelle.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta waxa ay ku dhiirrigelinaysaa Guddiga Doorashada ee Baarlamanka in ay dhameystiraan inta ka dhiman hannaanka doorashada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...